Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee magaalada London iyo xubno kasocda Baarlamaanka wadanka UK ayuu hada shir balaadhan uga furmay xarunta Jaaliyada Ogadenia ee magaalada London, Shirkan oo ah mid muhiimad wayn leh inbadana laga dhursugayay ayaa lagaga hadli doonaa arimo badan oo kusaabsan marxalada uu kusugan yahay wadanka Ogadenia ee kujira gacanta gumaysiga Itoobiya iyo wali arimo khuseeya geeska Africa.

Kulanka oo hada uun furmay waxaa soo xaadiray qaybaha kala duwan ee jaaliyada S.ogadenia, xubno kasocda baarlamaanka wadanka UK, xubno kasocda baarlamaanka Yurub, qaybaha kala duwan ee warbaahinta caalamka, Kooxfaneeda Ogadenia ee london iyo Jaaliyada Soomaali wayn ee magaalada London.

Shirkan ayaa lagu wadaa in lagaga hadlo arimo muhiim ah oo kusaabsan xaaladaha geeska Africa iyo habka ay xukuumada wayaanuhu ula dhaqanto dadka ay gumaysato, sidoo kale shirka ayaa lagu daawan doonaa filim ka hadlaya xaalada Ogadenia oo waxbadan kabadali doono dadka shirka sooxaadiray.

Kulankan oo mudo laga dhursugayay wixii kasoo kordha kala soco ONA.

ONA London.

image image image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay