Qaramada Midoobey ayaa ergeyga gaar ah ee arrimaha Qaxootiga Soomaaliya u magacowday Danjire Maxamad Cabdi Afey, si loo hubiyo ammaanka qaxootiga.

Magacaabida Danjire Maxamad Cabdi Afey ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen dowladda Kenya in ay dooneyso in si qasab ah ku xirto xerada qaxootiga Dadaab.

Danjire Maxamad Cabdi Afey oo hada haya xilka wakiilka urur goboleedka IGAD ayaa ka isagoo ka shaqeyn doona sidii si nabad ah oo an qasab ahayn dib loogu cleiyo qaxootiga iyo xal u helida magangalyada dadka qaxootiga heer qaran iyo heer gobolba.

Sidoo kale Danjire Afey ayaa ka shaqeyn doona sidii dadka dib loogu celinayo Soomaaliya loogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed in ka badan 3o kun oo qaxooti ah ayaa si iskood dib ugu laabtay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2014.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay