Wararka ka imanaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaal xoogan oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa Gumaysiga Itoobiya ku dhex maray duleedka Dagmada Dhuxun.

Dagaalkan ayaa lasheegayaa in uu bilowday kadib markay ciidanka dhaqanka xun ee wayaanuhu bilaabeen howlgal shacabka ka dhan ah kaas oo ay kuboobayeen hantida shacabka qaar badana oo shacab ahna ay jidh dil ugaysteen.

Ciidanka Xooga Dalka Ogadenia oo arintaas ka jawaabayay ayaa qaaday weerar ay ku bartilmaameed sanayeen ciidankii gumaysiga ee halkaas kusugnaa waxayna gaadh siiyeen khasaare naf iyo maalba len.

Sida uu sheegayo wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soo warama xarunta dhexe ee JWXO dagaalka ayaa dhacay 29/9/16 wuxuuna kadhacay deegaanka lagu magacaabo Yuuca oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan waxaana ciidanka gumaysiga lagaga dilay inta lahubo 5 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa baryahanba waday dagaalo ay ugu aar gudayaan shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia waxayna dagaaladu galaafteen nolosha askar badan oo kuwa wayaanaha ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay