War hada ku soo gadhacay isha Warqabadka Wakaalada Wararka Ogaadenya ee ONA ayaa xaqiijinaya inuu saaka  ka bilowday Deegaamo kamid ah Gobalka Oromiya. Xasuuqii  ugu ba’naa ee ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya  ka geystaan Gobolka Oramiya  intii ay Jabhada TPLF qabsatay Itoobiya.

Xasuuqan ooy siwadajir ah u fulinnayaan Ciidamada Afantariga Itoobiya gaar ahaan kuwa looyaqaano Agazi iyo kuwa cirka ayaa waxay haatan ka socdaan Deegaanada Oromiya inta badan. Gumaadka ugu  badan ayaa ka dhacay magaalada Bishoftu ama Debre-Ziet, dhimashada ayaa kor u dhaaftay 170 ruux, Warbaahinta reer galbeedka iyo Safaaradaha kusugan Adiss -Ababa ayaa dusha kala socda waxaa maanta ka socda  dhulka Oromiya.

Warbaahinta aduunka ayaa soo bandhigeysa Muqaalada dadka maanta la xasuuqay. Xasuuqa ayaa dhacay xili Shacabka Oromiya u dabaal dagayeen Irrecha oo ah maalin Qoomiyada Oromiya Xusto Dhaqankooda  Gaalo iyo Islaamba.

Kala soco ONA wixii kasoo kordha warkan haduu ilaahay yiraahdo.

1 2 3 4 5 6

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay