Maanta oo Axad ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 02/10/2016 Waxaa xerada qoxootiga xagardheer ee deegaanka Faafi kaqabsomay shir siwayn loosoo abaabulay oo ay kasoo qayb galeen dhaman xubnaha faraca iftin iyo taagrerayaashiisaba.

Shirkan oo uu furay gudomiyaha faraca Iftin mudane Abdullahi Badal ayuu kusoodhaweeyey hoganka arimaha Diinta sh. A/qadir suldaan sheekha ayaa kunuxnuxsaday halganka xaqnimadiisa iyo sida naf iyo maalba inlohuro ay waajibka utahay.

Shirkan ayaa waxaa kahadlay masuul ka tirsan G/Dhexe ee JWXO Wuxuna mas’uulku sicad xubnaha faraca ugu sharaxay jawiga siyaasadeed ee uu halganku kujiro iyo xaalada murugsan ee gumaysiga Itoobiya.

waxaa sidookale gabay qiiro leh kasoojeediyay Abwaanadda ree Ogadenia ee uu faraca Iftin nasiibka uyeeshay marwo Faadumo Mahamud (fadumo macaan) oo shucuurtii shirka kicisay.

Shirkan oo sidookale lagu akhriyey dhamaan warbixinadii ugudanbeeyey ee Ogadeniya iyo xaalka guracan ee gumaysiga ayay xubnihii soo xaadiray siwayn uga maqsuudeen.

Shirkan ayaa waxuu kusoogaba gaboobay jawi dagan oo shucuur wadaniyadeed kudheehantahay abeere 12:30 xiliga bariga Afrika.

Abdirahman Bacley.
ONA.
Hagardheer.

image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay