Wadamada Khaliijka Carabta ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay (QM) inay soo farageliso Suuriya si loo joojiyo duqaynta cirka ah ee lagu hayo magaalada Xalab oo Golahani sheegay inay ku dhinteen boqolaal rayid ah.

Golaha oo ay xubno ka yihiin dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cummaan iyo Qatar ayaa sheegay in weerarrada cirka ah ee dowladda Suuriya ku haysto magaaladu ay si qorshaysan u beegsanayaan goobaha shacabku deganyihiin, waxay ku tilmaameen inay xad-gudub badheedh ah ku yihiin xeerarka caalamiga ah.

Baaqa uu soo saaray Golaha Iskaashiga Khaliijku oo ay baahisay wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in xoghayaha Goluhu ka dalbaday Golaha Ammaanka ee QM in ay si dhakhso ah u joojiyaan weerarrada lagu hayo magaalada Xalab isla markaana lasoo afjaro silica ay ku jiraan shacabka Suuriya.

Sidoo kale waxa Golaha Khaliijku QM ugu baaqay inay fuliso go’aamadii Golaha Ammaanku ka soo saaray xiisadda Suuriya. Baaqan dalalka Khaliijku wuxu soo baxay saacado uun ka dib, markii isbitaalka ugu wayn qaybta ay mucaaradu gacanta ku hayaan ee bariga magaalada Xalab muddo dhawr maalmood gudahood ah mar saddexaadkii la duqeeyay.

Mareykanka ayaa isagu wali ku dhagan mawqifkiisa ah in xalka keliya ee dhiigga ku daadanaya Suuriya lagu joojin karaa yahay wada hadal. Hase yeeshee waxa wararku sheegayaan in niyad jabka isa soo taraya ee ay ka qaadeen dalalka khaliijku mawqifka Washington uu suurtogelin karo in dalalkaasi mucaaradka oo ay taageersan yihiin siiyaan hub lidka diyaaradaha ah oo ah gantaalo casri ah oo garabka lagu qaado.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay