Sida aan warar kaanagii hore idiinku soo gudbinayba ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd si ula kac ah u xasuuqay shacab Oromo ah oo xusayay maalin laga xuso dhulka Oromia oo loo yaqaano Irreecha.

Sida laga wada dharagsan yahay waxaa xasuuqaa ku dhintay in kabadan 300 qof oo shacab ah intaas inkabadana waxaa kasoo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo rasaastii lagu ridayay ay dhaawacday.

Intaas kadb shacabkii lagumaaday ee Oromia ayaa qaatay mowqif adag waxayna bilaabeen kacdoon wayn oo ay kaga soo horjeedaan ciidamada gumaysiga Itoobiya, waxayna dadwaynuhu isugu soo baxeen dhamaan Gobolka Oromia ayagoo aad uga cadhaysan dhacdadii shalay dhacday oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo tiro badan.

Dadwaynaha cadhaysan ayaa xidhay dhamaan wadooyinka halbowlaha ah ee la isakaga goosho waxayna xanibeen dhamaan isu socodka wadanka. wadooyinka ay xidheen shacabku waxaa kamid ah Qilinji ilaa Naziret, Mooja ilaa Shashabane, sanbase ilaa iyo Jimo iyo wadooyin kale oo muhiim ah.

Xus diimeedkan oo ah mid ay shacabku Oromadu xusto waxaa shalay kasoo qayb galay in kabadan 2 milyan oo shacab ah waxaana sare usii kacaya dadka hada kacdoonka wada oo gaadhaya malaayiin Oromo ah.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay