Qoomiyada Uraga oo ah qoomiyad aad ubalaadhan oo miisaan kuleh wadanka ay kooxta TPLF gumaysato ee Itoobiya waxayna qoomiyadu gacanta kuhaysaa inta badan gacansiga wadanka.

Hadaba qoomiyada Uraga ayaa kubiirtay kacdoonada kasocda wadanka ee lagaga soo horjeedo xukuumada wayaanaha ee mudada dheer xooga ku haysatay talada wadanka Itoobiya waxayna qoomiyadu sibuuxda ugu dhawaaqday in ay masiirka umadooda kuraadsan doonaan siwada jir ah.

Qoomiyada Uraga oo dagta dhul balaadhan ayaa xukuumadihii wadanka isaga dambeeyay kala soo kulantay cadaalad daro mana jiro qoonda ah oo ay ugu tala galeen, Kaligii taliyihii bakhtiyay ee Males Zinawi ayaa qoomiyada uqaybisay dhowr meelood wuxuuna inta badan qoomiyada kudaray shucuubta koonfureed halka qaarna uu hoos geeyay gobolka shawa si looqaybiyo awooda qoomiya si ayna siyaasada wax saamayn ah ugu yeelanin.

Hadaba qoomiyada ayaa go’aan satay in ay xaqooda kuraad sadaan kacdoon dadwayne waxayna kubiireen kacdoonada wadanka kasocda mudada sanadka ah si looga takhaluso taliska wayaanaha ee wadanka ladagay.

Qoomiyada Uraga ayaa noqonaysa qoomiyadii 6aad ii si toos ah ugu soo biirta kacdoonada socda waxaana lafilayaa in ay kacdoonada kusoo biiri doonaan qoomiyado kale oo hada si taxadar leh ula socda waxa kasocda wadanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay