Booliska dalka Masar ayaa toogasho ku diley laba ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee wadanka laga mamnuucay kadib afgambigii ay sameeyeen ciidanka militariga Masar.

Labadan nin ee ladiley, mid kamid ah ayaa ahaa Maxamed Kamaal, kaas oo kamid ahaa hoggaamiyaasha ururka Masar ay mamnuucdey, sida laga soo xiganayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa sheegtey in Maxamed Kamaal uu ahaa hoggaamiyaha garabka hubeysan ee Ikhwaanka, laakiin waxaa diiidey oo beeniyey ururka Ikhwaanul Musliim oo sheegay in aysan lahayn garab hubeysan.

Dilka Kamal iyo ninka kale ee ladiley oo lagu magacaabo Yasser Shehata ayaa yimid kadib markii Booliska ay rasaas is-weydaarsadeen, baadhitaan Boolisku ku hayey meel ay ku dhuumanayeen. Sida ay sheegtey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar labada ninba waxaa horey loogu xukumey xabsi daa’in iyagoo baxsad ahaa, kadib markii ay hoggaamiyeen koox hubeysan, oo ay weerar ka geystey xarun Boolisku ku lahaayeen Koonfurta Masar.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay