Ayaadoo ay guud ahaan Jaaliyadaha Soomalida Ogadeenya ee dunida dacaladeeda ku nooli ay ku caan bexeen la dagalaanka iyo burburinta qorshayaasha gumaysiga Ethiopia ee ay hadba gacanyarayasha gumaysi raaca ah lagu soo lugooyo, ayagoo loo soo safriyo  dibadaha si ay u suuq geeyaan beenta iyo borabagabdada gumaysaiga ayaa manta ay ku hongoobeen beentoodii kadib markii ay jaaliyada Soomaalida Ogadeenya ay soo buux dhafisay Hotel la shaaciyay inuu shir ku qabanayo Safiirka gumaysiga u fadhiya wadanka Maraykanka.Inkastoo ay cimiladu  aad u qaboobayd oo uu barafku da’ayay ayay hadana Jaaliyada Soomaalida Ogadeenya ee gobolka Minnesota muujisay mintidnimo iyo wadaninimo, ayna u soo badheedheen una dhabar adaygeen hawada qabow iyo barafka dhexdiisa inay shacabka dulaman ee  Ogadenya ugu hiiliyaan, gacanyarayaasha gumaysigana ku qabjabiyaan mudaaharaad baladhan.Hadaba mudaaharaadkii maanta ka dhacay Minnesota ee lagu hanjabiyay  Safiirka gumaysiga u fadhiya wadanka maraykanka & kooxdii hareera taagnayd ayaa ahaa mid tariikhi ah, waxaana xusid mudan in Hotel ka  HYATT oo ay ay kiraysteen si ay shirka ugu qabtaan inay ka carareen kadib markii ay Jaliyadu xidhay wadooyinkii hotelka soo galayay oo la waayay albaab iyo wado laga soo galiyo  Safiir gumaysiga Ethiopia, arintaas ayaana sababtay inay Hotelkii HYATT ka huleelaan si dhumasha ahna ku kiraystan Albeerko yar oo meel cidhiidhi ah ku taala oo lagu magacabo “Renaissance Motel”. Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in maamulka Hyatt uu diiday in shrka lagu qabto goobta markuu arkay xadiga dibadbaxayaasha & ujeedada shirka. Balse Jaliyada Somalida Ogadeenya sidaas mayna kaga hadhin gacanyarayashii gumaysiga, markii ay Jaaliyadu xog sugan  ku heshay Albeerkada ay kiraysteen ayay Jaaliyada Ogadeenya weerar horleh ku qaaday meeshii ay daba dhilifyada Meles ku dhuumanayeen. Arintaas oo fajac iyo kala shaki ku dhex abuurtay qabanqabiya yashii shirkan marin hababinta ahaa oo dhexdodii ay isku qabsaday ruuxii  bixiyay sirta iyo Albeerkada sida qarsoodiga ah lagu kireyay.Sida ay noo xaqiijiyeen dad aan ku kalsoonahay oo si dhumasha ah ku galay qolkii ay gacanyarayasha gumaysigu hoosta iskaga soo xidheen ayaa noo sheegay in tirada shirka gumaysiga ka soo qayb gashay ay dhanaayeen 20 ruux,  5 ka mida ahna ay ahayen Soomaali, 15 ka kalana waxay ka soo jeedeen qowmiyadaah kale ee ku dhex dulman Ethiopia. Waxaa kale oo ay noo xaqiijiyeen dadka sida dhumashada ah ku galay, markii ay soo indha indheeyeen dadkii fadhiyay shirka oo rabeen inay soo baxaan in farqaha lagu dhagay oo laga codsaday inayna bixin oo ay kuraasta u buuxiyaan, arintan oo keentay inay aflagaado iyo caraatan ka dhex tolato dadkii halkaasi u tagay inay soo fiiriyaan tirada gumaysiga u soo xaadirtay iyo kuwii shaqsiyaadka dhalanteedka gumaysiga run mooday. Waxaa kale oo ayadana meesha ka dhacay buuq iyo qalalaase kadib markii wiil iyo gabadh ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada oo qaadanayay sawiro iyo muuqaal laga hor istagay qaadista sawirada iyo dubista muuqaalka, arintaas ayaana dhalisay inay wilkii iyo gabadhii ay afka furtaan oo ay goobtii ka bilaabaan buuq iyo sawaxan, caraatan iyo aflagado intaba.Shirkii gumaysiguna halkaas ayuu hakad ku galay Ilaa cidamada nabadsugida gobolka Minnesota ay yimadaan oo ay bixiyeen wilkii iyo gabadhii Camerada watay. Isku soo xooriyoo shirkii ay gumaysigu manta ku qabteen Minnesota ayaa ku dhamaaday wajigabax, qalbi jab iyo guuldaro, waxaana wajiyadii dabaqoodhiga maanta ka muuqday quus aad u badan, Iyadoo uu dhinaca kalana mudaharaadkii Jaaliyada Soomaalida Ogadeenya ee Minnesota ku dhamaaday guul iyo gobanimo.Sawiro muujinaya tiradii yarayd ee gumaysiga u soo xaadirtay, muuqaalada qalalaasihii iyo buuqii ka dhacay shirkii uu maanta gumaysigu ku hongoobay dib ayaan idinkala wadaagi doonaa haduu Eebe idmo ee ONA isha ku hay.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. ilyas says:

    i am very greatful for your on time updates of the news on ogaden in and out of ogadenya.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay