Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay dowlada Kuwait muwaadiniin teeda uga digtay in ay u safraan wadanka Itoobiya iyo waliba in ay joogaan.

Safiirka dowlada Kuwait ee Itoobiya Rashed Al-Hajri ayaa shacabka ree Kuwait usheegay in aysan usoo safri karin wadanka Itoobiya isagoo kuwa hada joogana ugu baaqay in ay wadanka si deg deg ah uga baxaan inta ay joogaana ay taxadar iyo feejignaan muujiyaan.

Digniinta kasoo baxday dowlada Kuwait oo kamid ah dowladaha carbeed ee muwaadiniintoodu ay usafraan wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa muujinaysa halka uu marayo qalalaasaha wadanka kasocda mudada sanadka ah iyo waliba kala dambayn la’aanta jirta iyadoo sitoos ah loo bartilmaameedsado dadka shisheeyaha ah iyo waliba hantidooda.

Waxaa digniin tan lamid ah horaan muwaadiniin tooda usiiyay dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, Norwayn, Jarmalka, Canada iyo Australia waxayna dhamaan dowladahaasu si isku mid ah wadankaas ugu tilmaameen wadan qalalaase kujira oo aysan tagi karin muwaadiniin toodu.

Sidoo kale waxaa digniin tan lamid ah bixisay xukuumada Yuhuuda oo iyana shacabkeeda ugu baaqday in ayna soo hunguriyaynin wadanka Itoobiya wixii joogana ay kabaxaan inta ay goori goor tahay.

Sikastaba ha ahaatee xaalada kooxda TPLF ayaa ah mid cakiran kadib markay dhamaan dowladihii taageeri jiray kafiir sadeen lashaqaynta kooxda.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay