Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteen, waxaa magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska (UK) kadhacay mudaaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo Gumaysiga Itoobiya.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyay Jaaliyaadka Soomaalida Ogadeniya , Jaaliyada Oromiya & Jaaliayada Axmaarada ee ku dhaqan wadanka UK. Shacabkan ay Jaaliyadahan kala matalaan ayaa mudaaharaad balaadhan oo gilgilay magaalada London iskugu soo baxay.

U jeedada mudaaharaadkan ayaa waxaa ugu muhiimsanaa oo looga gollahaa in lagu cambaareeyo falalka waxshinimada iyo argagixisanimada leh ee ay shucuubta Itoobiya ku hayso kooxda TPLF ee wakhtigoodu gabaabsiga yahay islamarkaana loo midoobo sidii xukunka looga tuuri lahaa taliska Woyaanaha.

Shacabkii mudaaharaadkan soo qaban-qaabiyay ayaa waxay ka codsadeen guud ahaan wadamada deeqda bixiya gaar ahaan dawlada Britain inay Gumaysiga Itoobiya ka joojiyaan deeqda iyo taageerada lasiiyo oo Woyaanuhu u adeegsaday xasuuqa iyo cabudhinta shacabka. Dawlada Britain ayaa loogu baaqay inay cadaadis ku saarto taliska TPLF in cadaalada la hor keeno kuwa masuulka ah xasuuqa loo gaystay shacabka Ogadenya, Oromiya, Gambella, Konso iyo Ahmara.

Waxay dadkii kasoo qaybgalay mudaaharaadka wateen boodhadh ay ku qorraayeen hal-kudhagyo ka dhan ah taliska Gumaysiga Itoobiya ee gumaadka ku haya shucuubta ku hoos dulman. Hadaba hoos waxaad ka daawataan muuqaalo kamid ah mudaaharaadkii ka dhacay magaalada London.

 

ONA

image image image image image image image image image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay