Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Siisii ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymo kaga yimid dhanka Gumaysiga Itoobiya Isniintii lasoo dhaafay.

Xukuumada taagta daran ee Woyaanaha oo wakhtigeedu gabaabsi yahay ayaa ku eedaysay kacdoonka jiif iyo joogga u diiday inay ku lug leeyihiin Masar iyo Eritrea. Eedaymahan kasoo yeedhay taliska Woyaanaha oon ahayn kuwii u horeeyay ee noocooda oo kale ah ayaa ku soo beegmay xilli ay Itoobiya cagta saartay marxalad aad u qalafsan oon la saadaalin karin meeshay ay ku dambayn doonto.

Shacabka kacdoonka wada ayaa cagta mariyay warshaqo iyo beero ay si xaq-darro ah ula wareegeen kooxda Woyaanaha iyo qawlaysato ajaanib ah oo Woyaanaha iskaashi uu ka dhexeeyo. Waxaa dab la qabadsiiyay warshado iyo meherado kale oo kor u dhaafaya 50.

Madaxwayne Siisii ayaa sheegay inaysan eedaymaha noocan ah aysan waxba ka jirin, wax mucaarid ah oo Itoobiyaan ahna aysan Masar taageerin, isagoo aad u dhaliilay xukuumada Woyaanaha eedaymahan ay dusha uga tuurtay dalkiisa. Xiisada u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya ayaa salka ku haysa biyo-xidheenka Niil.

Woyaanaha oo aad ugu fashilmay xal u helista xaalada murugsan ee lasoo daristay ayaa fashilkooda dusha uga tuuray wadamo kale, taasoo lagu tilmaamay inay lamid tahay ” Nin daad qaaday xumbo cuskay”. Beesha caalamka ayaa aad ugu dhaliishay sida taliska Woyaanaha ee naf-lacaariga ah ay ula dhaqmeen shacabka kacdoonka wada ee Itoobiya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay