Shalay oo Sabt ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 15/10/2016 Waxaa xerada qoxootiga xagardheer ee deegaanka Faafi lagu qabtay xaflad balaadhan oo shahaado xifdinta qur’aanka ah lagu gudoon siinayey arday kor udhaafaysa 50 arday oo isagujira gabdho iyo wiilalba ah kuwaas oo ay kamid yihiin agoon u dhalatay Ogadenia.

Xafladan oo furantay abaarihii 8:30am ayaa waxaa lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka oo uu sojeediyey arday kamid ah ardada qalin jabinaysay xafladan oo uu hogaaminayey sh. Mohamed Abdi wali ayaa sinidaam leh ugusoodha weeyey culimo iyo waalidiin farabadan oo afkaaro saliim ah madasha kasoojeediyey.

Ardayda maanta xaflada loo qabtay ayaa loo qaybiyay kitaab Qur’aan ah iyo Qalimaan iyo waliba Buugaag kuwaas oo macalimiintu ay kaga farxinayeen ardayda.

Ardaydan ka qaadatay madarisada Nurul iimaan shahaadada xifdinta qur’aanka kariimka ayaa waxay soo jeediyeen khudbado farabadan oo kukala baxaya luuqadaha sida English, kiswahili ga iyo Arabiga madarisadan Nurul iiman ayaa waxaa lagu bartaa dhamaan cilmiga, qur’aanka kariimka iyo waliba culuumta maadiga aha.

Ardada qaadatay shahaadada xifdinta qur’aanka kariimka ayaa waxaa kamid ah arday farabadan oo kasoo jeeda dalka Ogadenia ee gacanta gumaysiga kujira.

Xafladan ayaa soogabagaboowday abaarihii 2:20 pm xiliga Bariga Africa waxaana soo xidhay maamulaha madarasada Nuurul-iimaan Sh Cabdiqaadir Suldaan wuxuuna maamuluhu ardayda kula dardaarmay in ay dadaal kooda siiwadaan.

Abdirahman Bacley.
ONA.
Xagardheer.

image image image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay