Magaalo madaxda labaad ee dalka Ciraaq Muusil (Mosul) oo ah mida ugu weyn marka laga reebo Baqdaad ayaa waxaa hada ka bilowday hawlgalo la doonayo in magaaladaas looga xoreeyo kooxda ISIS (Daacish).

Hawl-galkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaadanaya xoogaga Kurdida Waqooyiga Ciraaq, Maleeshiyaadka Sunnida ah ee Turkiga taageero iyo ciidamada Dowlada Ciraaq oo gacan ka helaya maleeshiyaad Shiico ah.

Raysul-wasaaraha dalka Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa sheegay in duulaankan uu yahay kii magaalada Mosul looga xoreyn lahaa kooxda dagaal yahanka Daacish oo dhulkaasi qabsatay sanadkii 2014-kii.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa ku sugan magaalada Muusil shacab aad u tiro badan oo lagu qiyaasay labo milyan , kuwaasoo la saadaalinayo in dagaalkan uu saamayn wayn ku yeelan doono. Dagaal-yahanka Daacish ayaa dhankooda diyaar garoow iyo abaabul xoogan ku jiray bilihii lasoo dhaafay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay