Qaybaha ku dagaalamaya dalka yemen ayaa ku heshiiyey xabbad joojin qaadan doonta 72 saacadood, oo ka bilaameysa saqda dhexe Arbacada saacaddu markey tahay 23:59, sidaas waxaa sheegay ergayga Qaramada Midoobey (QM) u qaabilsan Yemen Ismaaciil Waldi Sheikkh Axmed.

Warku wuxuu sheegayaa in arrintan ay cadaatey kadib marki dhinacyada dagaalka ku leg leh ee dalka Yemen ay soo dhaweyeen hindisaha xabbad joojinta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Yemen ayaa xaqiijisey heshiiska xabbad joojinta

Axaddii ayaa Maraykanka iyo Ingriiska iyo weliba QM ay dalbadeen xabbad joojin aan shuruud lagu xidhin, si loo joojiyo dagaalada dabada dheeraadey ee u dhexeeya Shiicada Xuuthiyiinta ee Iran taageerto iyo Xukuumadda caalamku ictiraafsan yahay ee taagta daran ee ay taageeraan isbahaysiga Sucuudigu.

Isbahaysiga sucuudigu hoggaamiyo ayaa soo galay dagaalada yemen sanadkii 2015 bishii Maarso, kadib markii inta badan awoodda dalkaas ay la wareegeen Xuuthiyiinta ay taageerto Iiraan, iyo askar taabacsan Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Saalax.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay