Maahmaah Carbeed ayuu macnaheedu yahay –wixii la ogaaday sababtii keentay lalama yaabo-. Haatan maqaalkan uu qoray Ilyas Kifle ee cinwaankiisu yahay – Wayaane oo ku handaday Debebe Eshetu in reerkiisa la kufsanayo- (Woyanne threatened to sodomize Debebe Eshetu’s family), waxy noo ifinaysaa isbadalka ku dhacay dad badan oon la yaabanayn siyaabaha ay u hadlayeen markay soo hor fadhiisiyaan kaamirada iyagoo laga soo kexeeyay xabsiga.

Qoraagan wuxuu sheegayaa in ninka dacaayadda u qaabilsan maamulka KT Zinawi Berket Simon uu soo daayay todobaadkan filim dacaayad ah oo ka kooban 4 qaybood oo ka waramaya in siyaasiyiin mucaarad ah iyo saxafiyiin ay maleegayeen hawlo argagixis ah inkastoo buu yidhi ay jiraan falal muujinaya in xukuuadda Itobiya lagu hayo falal argagixis ahoo ay fulisay say ugu eedeyso mucaaradka sida qarxintii meela ka mid ah Adisababa.

Filimadan uu Berket Simon sii daayay waxaa lagu wareysanayaa fanaanka Itobiyaanka ah ee Debebe oo ku eedeynaya qoraaga maqaalka iyo Dr. Berhanu Nega inay ka wada hadleen sidii loo afgambin lahaa xukuumadda. Qoraaga ayaa wuxuu sheegayaa inay u muujisay waxyaabaha laga sheegsiiyay inaan ka sheekaysanay aniga iyo Debebe in si aad ah loo ciqaabay fanaanka sababtoo ah waligeenba ma’aanan wadahadlin aniga iyo isaga.

Wuxuu sheegay qoraaga in qaar ka mid ah reerka fanaanka ay u sheegeen in ninka u qaabilsan xukumada arimaha sirdoonka, Esayas Woldegiorgis uu u dhiibay warqad qoran fanaanka oo lagu amray inuu ku hor akhriyo kaamirada, isagoo lagu qanciyay hadaanu sidaa yeelin in caruurta uu awoowga u yahay iyo dad kaloo reerkiisa ka mid ah dhalooyin lagu kufsan doono. Sidiisoo kale umbaan yeeli lahaa buu yidhi qoraaga hadday i qabsato arintanoo kale.

Jidh-dilka iyo kufsiga loo gaysto siyaaysiyiinta ma’aha buu yidhi qoraaga arin ku cusub Wayaanaha. Arintan waxaa xaqiijiyay ururada xuquuqul insaanka iyo sidoo kale waraaqihii dhawaan lagu qoray Wikkileaks oo waxyaabo badanoo laga argagxo lagu soo bandhigay.

Kufsiga siyaasiyiinta oo ah siduu sheegay qoraaga wax ku cusub Itobiya taasoo Meles Zinawi uu kala yimid dalkiisa Yemen (waxay aaminsan yihiin Itobiyaanka inuu Meles yahay Yemeni) ayay ragga lagu sameeyo aad uga argagaxaan iyagoo ka xishooda inay sheegtaan dambigaa laga galay .. (Sodomizing opponents, which is foreign to Ethiopian culture, is a method that Meles brought from his country Yemen. Victims of sodomy are extremely traumatized and that they are too ashamed to tell even those closest to them.)

Arimaha noocan ah waxay inoo xaqiijiinayaan waxyaabaha laga sheegsiiyo dadka ay Wayaanaha xidhaan oo muddo ka dib ay soo horjoojiyaan teleefishinada iyagoo qiranaya inay ahaayeen jabhadda ONLF oy khaldanaayeen, kadibna akhriya sidaa iyo sidaa ayaan samayn jirnay iyo waxyaaba dhaqanka shacabkeena iyo diintaba ku xun oo qofkii maqlaa uu durbadiiba garanayo inuusan qofkaasi ahayn caadi. Xabsiyada Wayaanaha uu ka ooday gabi ahaan Ogadenya gaar ahaan jeelkan loo bixiyay jeel ogadeen ayaa dadka shacabka ah si kabaxsan bani aadminimada loogu jidh-dilaa. Ka dibna la keenaa shirarka qofkii aan ku dhiman jeelka dhexdiisa isagoo leh waxaan ahaa dayuus waalan oo hadda umbaan soo miyirsaday.

Shabakadda Kilil5 oo aad uga xogwaranta maalmahan dhibaatada uu ku hayo shacabka gacan-ku-dhiigle Cabdi iley ayaa waxay qortay magacyada dad uu sheegay nin ka soo baxay xabsigaa inay ku dhinteen xabsiga dhexdiisa sidii loo qaraacayay. Maqaalkaa oo qoraagii uu cinwaan uga dhigay (Dadkii lagu laayay jeel ogaadeen mudadii aan ku xirnayn) ayuu kaga sheekeynayaa dadka u dhintay jidh-dilka ee kula xidhnaa jeelkaa.
Wuxuu ku bilaabayaa shaahidkan qoraalkiisa sidan ( F.G. Waxaan ka reebnay maqaalka siduu u qornaa qabiil sheega oo ka reeban asluubta ururka);

– Waxaa xusid mudan in kol hadii la yiraahdo halaga waramo tacadiyadii iyo xadgudubyadii lagula kacay dadwaynaha ku dhaqan degaanka ay somaalidu degto ee Ogaden in mar hore la soo qaado dhibaatadii muwaadiniinta u dhalatay degaanka loo gaystay ee lagu xirxiray goobo kale duwan oo ka tirsan tuulooyinka miyiga ku yaala iyo magaalooyinka. Hadaba anagu waxaanu ka waramaynaa xaqiiq iyo dhacdooyin dhaba oo ka dhacay jeelka la magac baxay jeel ogaadeen mudadii dhawrka sano gaadhaysay ee aan halkaa ku xirnayn sababta Nagu kaliftayna waxay tahay inaanu gudano waajibaadka iyo masuuliyada uu ilaahay (SW) qof walba oo inaga mida saaray oo ah inaan dulmiga isooga gargaarno iyo inaan ka makhraati kacno waxii aanu maraga ka ahayn ee Nagu dhacay anaga iyo intii nala midka ahayd ee aan asxaabta ku ahayn jeelka. Hadaba waxaan marka hore ka codsanaynaa maamulka webka kilil5 inay iyaguna masuuliyada dhankooda kaga aadan gudbinta xaqaa’iqa ka jira degaanka ay siday tahay ugu soo tabiyaan mujtamaca diin ahaan dhaqan ahaan iyo bulsha ahaanba qarka u saaran inuu burburo.waxaana idiin balan qaadaynaa inshaa Allah inaan maalmahan soo socda idiin soo gudbin doono faafaahinta jidh dilkii, bah dilkii iyo dilalkii foosha xumaa ee ka dhacay jeel ogaadeen oo ay kamid yihiin Magacyadii 70 qof oo ah Dadkii lagu laayay iyo meelihii ay ka soo kala jeedeen.

Waxaa kamida maxaabiistii u dhimatay jidh dilkii iyo ciqaabtii loogu gaysanayay mudadii aan ku xirnayn jeelka.

1.Garaad Xassan Axmad Makhtal(Dhagaxbuur)
2.Siyaad Axmad Samatar(Dhagaxbuur )
3.Xuseen Yuusuf Cali Aar(Degmada Gunagado )
4.Khadar Khaliif Ilkacase (Dhagaxbuur)
5.Maxamad Maxamuud Googaale (Degmada Awaare)
6.C/Laahi Sheekh Maxamad Soofe(Degmada Gunagado)
7.Mukhtaar Daahir Barkhadle(Degmada Gunagado )
8.Axmad Maxamad Gaab(Degmada Gunagado ).

Gobolka Fiiq:
9.Maxamad(Ciise) Macalin Cabdixaliim ( Degmada Sagag)
10.Cabdi Dayib Cali Bulxan ( Degmada Fiiq )
11.Ibraahim C/Raxmaan Axmad(Jilaal)( Degmada Fiiq)
12.Sheekh Cismaan Maxamad Askar ( Degmada iimeey Bari )
13.Saynab Mawliid Nuur Shabeel (Degmada Dhuxun )
14.Bashiir buugle(Degmada Dhuxun)
15.Axmad cumar salaad( Degmada Salaxaad)
16.Sanyare Cabdi Guhaad( Degmada Garbo)
17.Maxamad Cali Fooldheer(Degmada Garbo)

Gobolka Waardheer:
18.Sheekh Ibraahim Sheekh Muuse( Wardheer)
19.Xuseen Cabdiqani Ismaaciil (Wardheer)
20.Deeq Cali Maxamad(Wardheer)
21.Axmad Cabdi Diiriye (Wardheer)
22.Nimcaan (Wardheer)
23.Muxumad Maxamad Goofadhe(Wardheer).

F.G. Dambiyada laga galay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ma ahaan doonto mid qarsoon, qof walbana dambiguu ka galay umadiisa aduun iyo aakhiro mid umbaa looga goyn. Dadka sheeganaya culumada ee garab taagan mujrimka ku naaxay dhiiga umadda Cabdi iley een ka hadlin arimahaa ha ogaadeen inay faraqa haysato aayadan –

 وَلاَ تَرْكَنُواْ إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُواْ فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ اللّهِ مِنْ أَوْلِيَاء ثُمَّ لاَ تُنصَرُونَ   

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay