Machadka Auckland Institute of Studies oo fadhigiisu yahay cariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xukunka deg degga ah ee lagu soo rogay wadanka Itoobiya.

Machadka ayaa sheegay in xukunka deg degga ah ee taliska Wayaanuhu uu wadanka kusoo rogay uu wadanka u horseedi karo burbur deg deg ah iyo waliba dhibaatooyin aan cawaaqibkooda xal loo heli doonin oo shacabka lasoo darista.

Xukuumada wayaanaha ayaa todobaadkii hore wadanka galisay xukun deg deg ah oo looga gollahaa in lagu xakameeyo mowjadaha mudaharaad yada ah ee mudada sanadka ah loogaga soo horjeedo xukunka TPLF ee cadaalad darada kudhisan.

Xukunkan sida sharci darada ah loogu soorogay wadanka ayaa mudadii lasoo rogay cadaadis wayn lagu saarat shacabka waxaana dhintay dad badan oo shacab ah oo cidina aysan is waydiinin sababta loodilay halka qaar kale oo shacab ahna xabsiyada loo dhigay.

Sikastaba ha ahaatee aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Wax garadka iyo dadka arimaha bini’aadam nimada udooda ayaa si isku mid ah uga hadlay xukunka loogu talo galay ciqaabta shacabka ee wadanka lagu soorogay waxayna dhamaan isku raaceen in wax xal ah aan lagu gaadhi karin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay