Sida ay tibaaxayaan warar ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA Ciidamada Gumaysiga Itoobiyaanka ee ku socdey magaca AMISOM ayaa muddooyinkii danbe banaynayey saldhigyo muhiim ah oo ay kulahaayeen gobolada Hiiraan, Galguduud iyo Bakool ee dalka Soomaaliya.

Warkan ayaa sheega in saldhigii u danbeeyey ee ciidamada Gumaysiga Itoobiya kabaxaan ayaa noqdey saldhiga istiraatiijiga ah ee lagu magacaabo Halgan, waxaana subaxnimadi hore ee shalay ay u baxeen dhanka beledweyne sida ay sheegeen dadka ku dhaqan deegaanka Halgan.

Dadka ku dhaqan deegaanka Halgan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay isla shalay galinkii hore gacanta ku dhigeen degmada Halgan oo ka tirsan Hiiraan. Halgan waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xidhaa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulobarde, waxayna saarantahay wadada laamiga ah ee isku xidha gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2014 ay ahayd markii kooxda Al-Shabaab laga qabsadey degmada Halgan. Laba todobaad ka hor ayaa Ciidanka Gumaysiga Itoobiya baneeyeen Saldhigga Ceel Cali, waxaana ay ka talaabeen dhanka xadka.

Khubarada falanqaysa siyaasada Gumaysiga Itoobiya ayaa khasaarahan isdaba jooga ah ee lasoo darsay ciidanka Woyaanaha ku micneeyay inay saamayn ku yeelatay kacdoonka shacabka Itoobiya uu gudaha dalka ka wado oo niyad jab iyo kala yaac ka dhex abuurtay guud ahaan Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo markiisii horaba aan tayo wanaagsan lahayn.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay