Markab kamid ah maraakiibta qaada gargaarka oo ay leedahay dowladda Norway oo lagu magacaabo Siem Pilot iyo mar kabka kale ayaa badbaadiyey dad gaadhaya 2.400 oo qof oo tahriib ah, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaanigu. 14 qof oo meyd ah ayaa badda laga soo saarey.

 Iyada oo la sii gelayo xiligii qaboobaha ee ay hoos u dhici jireen dadka tahriibta ah ee soo mara biyaha u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub ayaa 48-saac ee u danbeysey ahayd mid xaaladdu aad u xuntahay sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga.

Shaqaalaha Markabka Siem Pilot ayaa ku khasbaanaadey in ay badbaadiyaan dadkan oo ay Talyaaniga ku wargeliyaan kooxaha soo tahriibiyey dadkan lasoo badbaadiyay oo aad u tiro badnaa. Talyaaniga ayaa sheegaya in sanadkan oo keliya 146 000 oo qof oo tahriib ah ay dalkooda yimaadeen.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay