Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis-ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu fashil ku dhamaaday shir baryihii ina dhaafay labo garab oo xisbiga EPRDF katirsan uga socday magaalada Addis-ababa.

Shirkan ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhaxeeyay xisbiga TPLF ee matala qoomiyada Tigreega iyo xisbiga maqaar saarka ah ee OPDO oo isku sheega in uu matalo qoomiyada Oromada waxaana shirkan qabtay kooxda TPLF oo ay taladu ku ciirsan tahay.

Wariyaha dhinaca siyaasada nooga soo warama ayaa sheegaya in xisbiga OPDO ay kugacan saydheen soo jeedintii TPLF oo ahayd in la joojiyo kacdoonka balaadhan ee qoomiyada Oromadu ay kaga soo horjeedo xukunka TPLF.

Xisbi ku sheega kooxda TPLF kabaha uqaada ee OPDO ayaa lasheegayaa in ay ku andacoodeen in qoomiyada Oromada lagu qasbay in ay kacdoon sameeyaan kadib markii laga xanibay dhamaan kaabayaashii dhaqaalaha isla markaana ay kooxda TPLF marooqsatay awoodii wadanka.

Kooxda TPLF ayaa rajo beel noqotay kadib markii wax talaabo ah ay urogman wayday isla markaana ay kala xadhig furteen dhamaan kooxihii kaba qaadka u ahaa ee kula midaysnaa xisbiga indha suraxaadka ah ee EPRDF.

Isku soo wada duub oo waxaa woxoogaa dhiiranaan ah muujinaya xisbiyadii magac uyaalka ahaa ee sheeganayay in ay bahwadaag yihiin kooxda TPLF kuwaas oo baryahan dambe bilaabay in ay lasaftaan shacabkooda la gumaadayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay