Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa waxay sheegayaan in dagaaladii ka socday waqooyiga Itoobiya magaalada Gonder loogu awood sheegtay ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Dagaaladan ayaa waxay socdaan labadii todobaad ee ugu dambaysay waxaana yaraatay in la helo xogaha dhabta ah ee dagaalada ka socda waqooyiga Itoobiya magaalada Gonder maadaama Gumaysiga Itoobiya jareen khadkii internet ka ee gobolada Axmaarada iyo Oromada.

Dagaaladan ayaa waxaa inta la xaqiijiyay lagaga dilay Gumaysiga Itoobiya 46 askari oo kamida ciidanka hagaaska ah ee Gumaysiga Itoobiya sidoo kale waxaana laga qabtay laba askari oo kamida ahaa ciidanka wayaanaha oo ka firxaday Gumaysiga Itoobiya.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu kusoo rogay wadanka dhan xukun deg degga ah wuxuuna xasuuq iyo xadhig baahsan ka wadaa gobolada Oromada iyo Axmaarada waxaana lagu daabulay ciidamadii Gumaysiga ee abid ugu badnaa. Sidoo kale waxaa dhamaanba laga soo saaaray dalka Soomaaliya marka qaybo yar laga reebo ciidankii wayaanaha ee ku sugnaa gudaha wadanka Soomaaliya.

Xukuumada wayaanaha ayaa waxay ku jirtaa khal khalkii abid ugu waynaa waxaana soo wajahday xaalad adag oo kala shaki ah, waxayna wajahaysaa dagaal ku salaysan qoomiyad qoomiyad ilaa hada ma cadda mustaqbalka dhabta ah ee Gumaysiga Itoobiya.

Magaalada Gonder ayaa waxaa dhamaan wadooyinka iyo tuulooyinka ku xeeran marka laga reebo goobaha dagaalku ka socdo waxaa daadsan ciidanka wayaanaha sidoo kale waxaa laga aruurinayaa dhamaan shacabka wixii qori haysta oo dhan dagaalkan hada ka socda waqooyiga wadanka ayaa waxaa inta badan wada beeralayda Axmaarada oo iska caabin xoog badan kala soo horjeed xukunka gumaysiga waxayna quus istaajiyeen taliska macangaga ah ee TPLF.

ONA.

img-20161023-wa0084

img-20161023-wa0083

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay