Waxaa hada ka socda wadooyinka waawayn ee magaalada Gonder mudaaharaad wayn oo gumaysiga lagaga soo horjeedo waxaana isugu soo baxay shacabka magaalada Gonder, shacabka ayaa waxay xidheen wadooyinka waxayna ku xidheen dhagaxaan iyo geedo sidoo kale xaalada gumaysiga ayaa kasii daraysa waxaana marba marka ka danbaysa faraha kasii baxaysa kala dambayntii.

Baarlamaan ku sheega Itoobiya ee Gobolka Axmaarada ayaa sidoo kale waxay ka horyimaadeen xukunka dag daga ah ee wadanka lagu soo rogay waxayna baarlamaan kusheegu u codeeyeen inayna aqbalaynin xukun dag dag ah iyo cadaadis lasaaro shacabka arintaas oo noqotay arin ugub ah oo aan looga baranin in ay ka hor yimaadaan nidaamka TPLF ee ku dhisan cadaadiska iyo cabudhiska.

Hoos Ka Fiirso Muqaalka mudaaharaadka maanta ka socda Gonder.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay