Waxaa shirkii bilaha ahaa isugu yimid hawlwadeenada jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ,sidii caadada u ahayd waxaa Lagu furay wacdi diini ah oo aad u qiimo badnaa.

Gudoomiyaha jaaliyada mudane c/naasir (galaal) ayaa ka war bixiyey wixii u qabsoomay jaaliyada mudadii bisha ahayd,wuxuu yidhi jaaliyadu waxay abaabul iyo shirar is daba joog ah la qaadatay bulshada reer ogaadeeniya iyo soomaalidaba ee ku sugan gobolka Alberta waxayna gaadhsiiyeen fariintii Jwxo ee ku wajahnayd shacabka soomaaliyeed iyo kan ogaadeeniyaba.

Waxaa Lagu soo dhaweeyey madashii shirka isuduwaha jaaliyaadaha ogaadeeniya ee dalka Canada mudane c/xakiin maxamed weli wuxuu halkaa ka akhriyey warbixintii ugu dambeysay ee gudaha ogaadeeniya iyo xaalada dhabta ah ee ay ku sugantahay maanta dawlad ku sheegta Ethiopia iyo sida ay u burburayso,wuxuu kaloo carabka ku dhuftay hawlihii ururka PAFD meesha uu marayo iyo sida uu guulaha is daba joog ah maalinba maalinta ka dambeysa uu sii gaadhayo,wuxuuna isuduwuhu kula dardaarmay hawlwadeenada Jwxo ee ka hawl gala gobolka Alberta in ay saacad walba diyaar u ahaadaan isbedelada dhawaan la filayo.

Hadaba gudoomiyaha jaaliyada edmonton oo soo gabo gabeeyey shirkii wuxuu halkaa kaga dhawaaqay laba wafti oo ukala bixi doonta magaalooyinka kale ee gobolka albrta halkaasoo ay ka soo fulin doonaan hawlo loo cayimay oo ka mid ah abaabulka ka socda dhamaan jaaliyadaha Canada ,wuxuu kaloo soo gudbiyey in jaaliyadu ay ka qayb geli doonto mudaharaad ay qoomiyadaha kala duwan ee gumaysiga ku hoos dulman ku qaban doonaan magaalada Edmonton October 27/2016,wuxuuna ku booriyey hawlwadeenadu in ay si buuxda uga soo qayb galaan kana qayb qaataan mudaharaadka ka dhanka ah gumaysiga ethoipia.

Shirkiina wuxuu ku dhamaaday guul iyo hawl qaybsi dhab ah.

ONA
C/raxmaan Sheekh

img_3555 img_3556 img_3557 img_3558 img_3559 img_3560 img_3561

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay