Wararka naga soo gaadhaya Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan Gobolka Axmaarada ayaa waxay sheegayaan in dagaalo waawayn ay ka dhaceen Waqooyiga iyo Koonfur magaalada Gonder.

Dagaaladan ayaa loogu awood sheegtay ciidamada Gumaysiga Itoobiya waxaana lagaga dilay ciidamo badan sidoo kale waxaa lagaga furtay hub iyo saanad militari oo kala duwan. Saanada laga furtay ciidanka wayaanaha ayaa waxay isugu jireen 24 madaafiic 16 BKM 20 qasnadood iyo 5 dhashiikayaal ah. Dagaalkan oo sii xoogaystay ayaa waxa uu gaadhay dhamaan agagaaarka magaalada Gonder, sidoo kale wuxuu gaadhay maanta magaalada Gojjam.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxay la taag la’aayeen beeraladaydii hubaysnayd hadana waxaa ugu darsantay dhalinyaradii magaalada oo dhinaca ka wada raacay. Dagaaal-yahana Axmaarada ee beeraladayda ah kuwaasoo Gumaysiga kula jira dagaal xoog badan.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxay dhanka kale ku mash quulsan yihiin xadhig baahsan oo ay ku hayaan dad shacabka ah ayagoo xabsiga u taxaabaya shaqsi kastoo maalin soo dhigay qoraal ka dhan ah xukuumada Gumaysiga Itoobiya, waxaana ku baahday xidh xidhka iyo dhibaatada lagu hayo dadka aan waxba galabsan.

Shacabka Axmaarada ayaa waxay u istaageen dhamaantood inay ka hortagaan hubka dhigis lagu sameeyo shacabka Axmaarada, sidoo kale Baarlamaan ku sheega wayaaanaha ee Gobolka Axmaarada ayaa wuxuu horay ugu gacan saydhay bandhawga 6-da bilood ah ee wayaanuhu kusoo rogay wadanka oo idil.

sikastaba ha ahaatee xukuumada TPLF ayaa waxaad moodaa mid waagu uu ku baryay oo aan lahayn mustaqbal wanaaagsan waxaana maaalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa xaalada Gumaysiga Itoobiya ee faraha kasii baxaysa.

Shacabka Axmaarada ayaa waxay sheegeen in Gumaysiga ka xidhay khadkii internet ka ayadoo adkaatay in lahelo sawirada iyo muuqaalada jiida hore iyo furaha dagaalka iyo goobaha uu hardanku ka socdo waxayna shacabka Axmaaradu balan ku qadeen inay aduunka tusi doonaan xasuuqa iyo dhibaatada lagu hayo shacabkooda.

ONA.

img-20161026-wa0046   img-20161026-wa0053 img-20161025-wa0007

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay