Kaligood Taliyeyaashii kala duwanaa ee iskaga dambeeyay xukunka Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay dhamaantood ka midaysnaayeen oo mid waliba uu ku taami jiray inuu ka faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Ilaahay ku manaystay wadanka Ogadenya.

Laga soo bilaabo xiligii ay talada la wareegeen kooxdan daalan ee TPLF (Woyaane) oo damac waalan oo kasoo galay sidii ay u boobi lahaayeen Shidaalka Ogadenya layimid ayaa in badan waxay isku dayeen sidii ay shirkadaha ajinabiga ah uga iibin lahaayeen shidaal aysan mulkigiisa iyagu lahayn.

Kaligii Taliye Meles Zinaawi oo ahaa nin aad u hunguri wayn ayaa shirkado badan oo shisheeye ah kaga cunay dhaqaale aad u badan isagoo markii dambe waji-gabax iyo bahdil badan ay u horseeday damiciisii waalaa ee ku aadanaa in uu maalin maalmaha kamid ah nacfisado Shidaalka Ogadenya balse xaga ilaahay aysan ka noqonin.

Hadii aan dib u jaleecno dhacdooyinkii filansho waaga ku noqday ee hor istaagay damacii Woyaanaha waxaa kamid ahaa dhacdadii taariikhiga ahayd ee Cobale ka dhacday sanadkii 2007-dii. Woyaanaha ayuu hawl-galkii Cobole ku noqday mid aysan xisaabsata waligood ku darsanin balse u horseeday khashif iyo waji gabax aan kasoo waaqsi lahayn.

Guud ahaan ahaan beesha caalamka oo inbadan uu Gumaysigu ku mashquuliyay horumar iyo hodantinimo aan iyadoo kale la arag inay Itoobiya gaadhay ayaa ku baraarugtay inaysan kooxda TPLF waxba gacantooda ku jirin. Shirkado badan oo siyaabo kala duwan u daneeya maal-gashiga oo laftigoodu uu soo jiitay borobagaandaha Woyaanaha ayaa rabitaankoodii dib ula noqday iyadoo xaqiiqsaday inuusan Shidaalka Ogadenya ahayn mid si fudud looga faa’iidaysan karo.

Taliskii Woyaanaha oon wali dhadhaminin Shidaalkii Ogadenya ayaa gabalkiisii dhacay oo maanta lamid ah qorax galabaysatay taasoo cadayn ugu filan qof kasta oo soo damaaciya wuxuusan lahayn ama gacantiisa ku jirin. Waxaana la odhan karaa kooxda Woyaanaha iyagoo soo jeeda ayay ku riyoodeen inay ka faa’iidaystaan khayraadka Ogadenya.

W/Q: Hure Jeefad (jeefad1983)

Qoraa Madax Banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay