Wararka ONA kasoo gaadhaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa tibaaxaya in booliska dalka Kenya ay nin ku toogteen meel u dhow safaaradda dalka Maraykanka ee magaalada Nairobi.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshadu ku kulanto (Social Media) ayaa muujinaya nin la toogtay oo maydkiisu waddada yaallo. Taliyaha ciidanka Amaanka ee ka hawlagala deegaanka ay toogashadu ka dhacday oo lagu magacaabo Vitalis Otieno ayaa saxaafada uga warramay sida ay wax u dhacee wuxuuna yidhi sidan:

“Waxa dhacay qof lugaynaya oo garab maraya waddada Qaramada Midoobay (QM) ayaa mindi ku weeraray sarkaal boolis ah, markii uu mindida ku dhuftay ayaa sarkaalkii hubaysnaa uu toogtay ninkii mindida kusoo weeraray, meesha ayuuna ku dhintay. Xilligan sarkaalka waxa uu ku sugan yahay cisbitaalka, qofka la dilayna waxa uu ku jiraa qaboojiyaha.” Sidaa waxaa yiri Vitalis Otieno. Safaaradda Maraykanka oo aad loo ilaaliyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka dhismaha Gigiri ee QM.

 

ONA

kenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay