Wararka naga soo gaadhaya gobolka oromada ayaa waxay sheegayaan in xasuuq baahsan ay u gaysteen ciidamada Itoobiya dad shacab ah oo ku dhaqan magaalada Sirka ee gobolka Arsi waxaa god wayn laga soo saaray dad ka badan 15o qof oo ciidamada gumaysiga itoobiya ay uus xabaaleeen 17 kamida dadkan la uus xabaalay waxaa la helay jidhkoodii oo uu dhurwaaagu cunay dadkan la xasuuqay ayaa waxaa la sheegay in 6 qof oo kamid ah dadkan la xasuuqay ay ahaayeen isku hal qoysa.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxay ka jareen gobolka arsi taleefankii iyo internetkii waxaana yaraatay in la helo warar badan iyo xaqiiqda ku qarsoon gudaha gobolka Oromiya xasuuqa uu gumaysigu wado ka sakoow waxaa gobolka arsi ka socda dagaalo fool ka foola oo u dhaxeeya ciidanka itoobiya iyo kuwa jabhada OLF.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxay adeegsanayaa rasaas nool nool si ay usii dheeraystaan xukunkooda waxayna wadanka gudahiisa kawadaan xasuuq baahsan oo aan loo kala aabayeelay nin ciyaal haween iyo dad waawayntoona wuxuuna ku dagaalamayaa cidiyaha asagoo ku hafan haya hardan ka uu shacabka kula jiro.

wararka iyo kasoo kordha kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay