Baarlamaanka Dalka Canada ayaa lagaga dooday xaalada murugsan ee Itoobiya iyo dhibaatada baahsan ee taliska Woyaanuhu uu kuhayo shacabka sida nabad-galiyada ah xuquuqdooda ku raagsanaya.

Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka dalka Canada oo lagu magacaabo Alex Nuttall, ayaa ka sheegay kulanka Baarlamaanka in xaalada murugsan ee lasoo daristay shacabka Itoobiya ay tahay mid aan indhaha laga laaban karin.

Mr. Alex Nuttall, ayaa ugu baaqay Golaha Baarlamaanka dalka Canada in laga shaqeeyo sidii shacabka Itoobiya ee halganka adag ugu jira sidii ay dimuqraadiyad, Madax-banaani iyo Xuquuqda Aadanaha ee ay xaqa u leeyihiin u heli lahaayeen garab lagu siiyo oo lagu taageero.

Waxaa kaloo uu shaaca ka qaaday Mr. Alex Nuttall in shacab aad u tiro badan oo Itoobiyaan ah dhibaatooyin kala gadisan loo gaystay tan iyo intii kacdooku uu bilawday bishii November ee sanadkii 2015-ka. In badan oo shacabka Itoobiya kamid ah ayaa dambi la’aan la toogtay meesha kumanaan kalana jeelasha loo taxaabay.

Hadaba nala daawada muuqaalkan hoose oo kamid ah warbixintii uu ka jeediyay Golaha Baarlamaanka Canada Mr. Alex Nuttall.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay