Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee dalka Canada ayaa maanta oo taariikhdu tahay oct 28/2016 ka qayb gashay mudaharaad balaadhan oo lagu qabtay magaalada Edmonton. Mudahaharaadkaa oo looga soo horjeeday xasuuqa iyo tacadiyada kala duwan ee TPLF tu ku hayso shucuubta ku hoos dulman waxa loogu yeedho ethoipia.

Dadweynihii halkaa isugu yimid waxay wateen boodhadh waaweyn  oo ay ku qoranaayeen halku dhagyo muujinaya dhibaatada lagu hayo iyo iyagoo dawlada Canada ka codsanayey in ay ka joojiso kaalmada ay siiso Gumaysiga Itoobiya, waayo waa canshuurta nalaga jaro ayey ku dhawaaqayeen,waxay war saxaafadeed u gudbiyeen warbaahinta iyo dawlada Canada.

  Mudaharaadkan Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey qowmiyadaha kala duwan ee Ogaadeeniya,Oromo iyo Amxaarada,waxay halkaa ku soo bandhigeen tacadiyada kala duwan ee TPLF ku hayso shucuubta ku hoos nool.

Waxaa halkaa khudbad qiimo badan ka akhriyey Dr. Maxamuud Ugaas kana warbixiyey dhibaatada lagu hayo shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya. Waxaa sidoo kale waraysi la yeelatay saxaafada dalka Canada oo goob joog ku ahayd halkaas gaar ahaan CityTV.

Waxaa kaloo si talan taali ah u soo tabinaysay warbaahinta Soomaalida Ogaadeeniya ee ka hawl gasha dalka Canada gaar ahaan gobolka Alberta . Mudaharaadkaasina wuxuu ugu soo dhamaaday guul, goor dhawna filo muuqaaladii laga soo duubay.

cana3

can7

can6

can5

can4

can2

can1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay