Shirweynihi 13aad ee Jaliyada Somalida Ogadenia ee South Africa oo Bilaawdey 27/10/2016 ayaa galay maalintii labaad wuxuuna usocdaa si habsami ah, Shirkan oo ah mid sanadkiiba mar laqabto ayaa lagu doortaa maamul cusub waxaana dib loogu eegaa xeer hoosaadka JOKA.

Waxaa shirka marti ku ah laba masuul oo Gudida Fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kamid ah Gudoomiye Kuxigenka JWXO Mudane Maxamad Ismaaciil cumar iyo Hoganka Warfaginta JWXO Mudane Xassan Muxumed Macalim iyo wafuud Jaaliyada faracyadeeda ka kala Yimid sida Cape Town, Port Elizabeth, Durban, iyo East London.

Shirka ayaa ka furmey xarunta Jaaliyada Soomalida Ogadenia wuxuuna furmey 9:00am aroornimo ee Khamistii waxaana lagu furey Ayadaha qur’aanka kariimka ah, kadib waxaa lagusoo dhaweeyay Gudidii hore ee xilkoodu dhamaaday si ay Xubnahay uga warbixiyaan shaqadi sanadkii tagay waxyabihi qabsomay iyo waxaan u kaqabsoomin.

Kadib waxa laguso dhaweyey Gudomiye kuxigenka JWXO Mudane Mohamed Ismail Omar oo Xubnahay siiyey Warbaxin waafi ah oo meelo badan taabaneysay kuna saabsan geedi socodka halganka Ogadenia oo ay JWXO Hormuudka u tahay.

Kadib waxaa lagusoo dhaweeyey Hoganka Warfafinta JWXO Mudane Xassan Macalin oo ka warbixiyey xaalada Itoobia ee maanta iyo halka uu Halganka Ogadenya marayo. Mudane Xassan ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa la wadaagay dhamaan shacabkii madasha ku sugnaa.

Shirka ayaa ku soo idlaaday jawi aad u wanaagsan oo guul iyo farxad ay kamuuqatay.

 

ONA/South Africa

s10

s8

s7

s6

s5

s4

s3

s2

s1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay