Waxaa kulan muhiima isugu yimid Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee Waqooyi Bari Kenya (JABSO) faraca Gaarisa.  Shirkan ayaa ahaa mid doorasho, waxaana sida caadada inoo ahayd lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayadaha quraanka kariimka ah waxaa intaas kadib shirka furay gudoomiyihii hore ee jaaliyada Sheekh Mohamed Cusmaan.

Waxaa la gudo galay doorashadii waxaana la doortay Maamul cusub oo hogaanka u qaban doona Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee Gaarisa, waxaana Gudoon cusub loo doortay Mudane Halgame Baaruud waxaa kale oo la doortay gudigii oo dhamaystiran.

Waxaa intaas kadib makarafoonka lagu wareejiyay Hogaanka Arimaha Bulshada Mudane Shaafi wuxuu ka war bixiyay wax qabadkii maamulkii hore ee Jaaliyada iyo wixii u qabsoomay.

Guntii iyo Gunaanadkii shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana la isku afgartay in lasi dar dar galiyo hawlaha halganka iyo abaabulka ee ay jaaliyadu wado.

 

Xaadsane
ONA/Gaarisa

img-20161028-wa0019 img-20161028-wa0018 img-20161028-wa0017 img-20161028-wa0016

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay