War deg deg ah oo hadda nagasoo gaadhay magaalada Dhagaxbuur ee Xarunta gobolka Jarar ayaa sheegaya in Muwaadin kamid ahaa dhalinta magaalada ay shalay galab kala tageen ciidamada gumaysiga Ethiopia gurigiisa oo ku yaalay xaafadda saddexaad ee magaalada.

Ciidamada gumaysiga Ethiopia oo mudaankaasi u qaaday dhanka magaalada Dhannaan ee Gobolka Shabelle ayaa xalay ku dilay duleedka magaalada.

Allaha unaxariistee marxuumka ay ciidamada gumaysiga Ethiopia dileen ayaa lagu magacaabaa Faysal Muxumed Cumar Dubad (Cagjar).

Maydka marxuunka ayaa sida ay noo sheegeen dad kugan magaalada Dhagaxbuur loo soo qaadayaa si loogu aaso magaalada.

Ciidamada gumaysiga Ethiopia ayaa waxay marxuunka ay dileen la kaxasyteen Aabihii iyo dhawr ruux oo kamid ah eheladiisa.

Isla qoyska reer cagjar ayay ciidamada gumaysiga Ethiopia ka dhaceen hanti farabadan oo ay kamid tahay Saddex guri iyo laba Gaadhi  oo ay lahaayeen.

Marxuunka ay xalay ciidamada gumaysiga Ethiopia ku gawrceen Dhanaan ayaa kamid ahaa dhalinta aqoonta leh ee kusugnayd magaalada Dhagaxbuur.

Wixii faahfaahin ah kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay