Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga warama dhinaca arimaha militariga ayaa sheegaya in khal khalkii ugu xumaa uu ka dhex taagan yahay ciidanka Agazi ga looyaqaano ee Gumaysiga Itoobiya.

Sida uu wariyuhu sheegayo waxaa sare u kacay baxsadkii ciidanka wayaanaha kadib qalalaasihii siyaasadeed ee wadanka soo food saaray waxayna ciidamadu u kala baxeen qoomiyado shikiga jira owgii.

Ciidanka wayaanaha ayaa si muuqata u kala taageersan siyaasadaha is diidan ee wadanka waxaana jira saraakiil iyo askar si badheedh ah ugu biiray shacabka kacdoonka kawada gudaha wadanka halka qaar kale oo ciidamada kamid ahna ay iska diideen in ay laayaan shacabka kacdoonka wadan.

Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada Agazi-ga loo yaqaano ee wayaanaha oo waraysi siiyay TV-ga ESAT TV ayaa sheegay in ay ciidankooda ka baxsadeen inkabadan 1000 askari mudadii uu jiray xukunka deg degga ah, sargaalka ayaa intaas kudaray in ay ciidamadu kasoo horjeedaan culayska lasaarayo shacabka.

Dhinaca kale shacabka ayaa ku faraxsan in ay ciidamadu kusoo biiraan kacdoonka waxayna shacabku ka helaan ciidanka kusoo biira hub iyo wali khibrad kale oo caawinaysa kacdoon kooda.

Sikastaba ha ahaatee xukunkii deg degga ahaa ee kooxda TPLF ay soorogtay ayaan keenin wax faa’iido ah halka uu sare uqaaday nacaybka looqabo taliska wayaanaha iyo dadka raacsanba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay