Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteen, waxaa banaanbax balaadhan oo ay si wada-jir ah usoo qaban-qaabiyeen uu ka dhacay dalka Canada gaar ahaan magaalada Edmonton.

Dr. Maxamuud Ugaas oo kamid ah aqoon-yahanka Soomaalida Ogadenya ayaa khudbad taariikhi ah u jeediyay dad-waynihii kasoo qayb galay mudaaharaadka. Wuxuu Dr. Maxamuud sheegay in taliska Gumaysiga Itoobiya uu xasuuq iyo dhibaatooyin ka dhan ah banii’aadminimada ka gaystay Ogadenya iyo meelo kale oo kamid ah Itoobiya.

Khudbadan ayuu Dr. Maxamuud Ugaas si waafi ah uga warbixiyay xaalada qalafsan ee shacabka Soomaalida Ogadenya ay ku jireen intii Gumaysiga Itoobiya uu haystay wadanka Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay