Waxaa si guul ah ku soo dhamaaday shirwaynihii 13aad ee Jaaaliyadda Soomaalida Ogadeenya ee wadanka Koonfur Africa. Shirkan oo ahaa mid muhiimad gaar ah lahaa wuxuu ku soo beegmay xili ay Gumaysiga Itoobiya uu sii burburayo.
Waxaa Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya marti u ahaa madax sare oo ka socotay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO). Iyadoo haddaba laga duulayo baahida halgan ee jirta ayaa Jaaliyadda JOKA waxay fursad u heshay in wax ka waydiiyaan masuuliyiintii JWXO ee Goobta ku sugaan howlaha halgan gude iyo dibada.
Iswaraysi iyo kala warqaadasho kadib waxaa si wanaagsan looga dooday qadiyada Soomaalida Ogaadeenya waxaana diirada la saarey kacaanka ka socda Itoobiya iyo sidii halganka Soomaalida Ogaadeenya uga faa’idaysan lahaa marxaladan kala guurka ah ee soo food saartay Gumaysiga Itoobiya.
Shirweynuhu waxaa uu soo saaray go’aamadan soo socda:-
  1.       In la xoojiyo midnimada ummadda Soomaalida Ogaadeenya gude iyo dibadba.
  2.       In diyaar loo noqdo sidii xoriyadda Ogaadeenya loo hanan lahaa.
  3.       Hirgalinta qoryaasha shaqo ee madaxda jabhadda la wadaagtay Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya
  4.       Dardar galinta Howlaha halganka ee wadanka South Africa ka socda.
Wuxuu shirku Bogaadin u daray
Ciidanka xoreynta Ogaadeenya oo naftoodii qaaliga ahayd u huray xoreeynta ciida Ogaadeenya . Waxaan ilahay uga baryaynaa in guusha hantaan xili dhow.
Canbareeyn:
Shirku wixii canbareeynaa dilka , dhaca , kufsiga  iyo barakicinta lagu hayo shacab Soomaalida Ogaadeenya. Waxaa shirku si adag u canbareeynayaa sida waxshinimada leh ee Gumaysigu ula dhaqmayo ummadda Soomaalida Ogaadeenya.
Boorin:
Waxaa shirku ku Boorinayaa dhamaan ummadda Soomaalida Ogaadeenya in ay u dhabar adaygaan dhibka wadanka ka jira iskana celiyaa Gumaysiga Itoobiya. Waxaan ka waaninaynaa dhamaan kuwa cadowga u shaqayaa in ay joojiyaa shaqooyinka waxshinimada leh ee ay u hayaan cadowga dadkoodana ka mid noqdaan .
Midtid, Midnimo, Isku-Tashi Allahu Akbar.
Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee JOKA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay