Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya oo ay weheliso Jaaliyada Oromiya ee wadanka Britain ayaa waxay si wada jir ah ugu qabteen Magaalada London mudaaharaad balaadhan oo Gumaysiga Itoobiya lagaga soo horjeedo, waxaana hada ka socdaa mudaaharaadku kasoo horjeed ka guriga Parlamaanka dalka UK.

Shacabka iskugu soo baxay mudaaharaadkan ayaa waxay ku qaylinayeen erayo iyo hal-ku dhagyo ka dhan ah xukuumada Gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo watay calamada Ogadeniya iyo midka shacabka Oromiya.

Waxaa ka socda gudaha wadanka Itoobiya mudaaharaado xoog badan oo shacabku wadaan sidoo kale waxaa ka socda wadamada dibada mudaaharaad lagu diidan yahay xasuuqa, xidhayga iyo gumaadka uu Gumaysiga ku hayo dadka shacabka ah ee ku sugan gudaha wadanka gaar ahaana Ogadeniya Oromiya iyo deegaamo kale oo badan.

Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay soo rogtay lix bilood oo xukun deg degga ah waxaana dhamaan cadaadis la saaray shacabka gudaha, sidoo kale waxaa xabsiga loo taxaabay kumaan kum shacab ah oo aan waxba galabsan.

Wadanka Ogadeniya ayaa waxay ku jirtaa xukun deg deg ah20-kii sanee ugu dambaysa waxaana socda xasuuq iyo dhibaato baahsan oo lagu hayo dadka shacabka ah mana jiraan wax saxaafad xor ah oo ka hawl-gasha gudaha wadanka Ogadeniya sidoo kale waxaa laga mamnuucay hay’adaha caalamiga ah inay tagaan wadanka ama ka shaqeeyaan.

ONA/London

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay