War murtiyeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM), si wadajir ahna ay u soo wada saareen QM, Midowga Afrika, GAD, Talyaaniga, Sweden, UK, iyo Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin eedeymaha sii soconaya ee ku saabsan musuq maasuqa ka dhex jira nidaamka doorashada ee Soomaaliya, iyo wararka ku saabsan cabsi galin soo noq noqnaysa oo loo gaysanayo musharraxiinta Baarlamaanka, odayaasha xubnaha soo dooranaya iyo saraakiisha doorashooyinka.

Dhinacyada qoraalkan soo saaray waxay kaloo sheegeen inay ka xun yihiin dib u dhaca ku timid codbixinta aqalka hoose ee Baarlamaanka oo la qorsheeyey iuu billowdo 23 October , sida lagu xusay jadwalkii dib loo eegay ee ay qoreen guddiga heer federaal ee doorashooyinka dadban (FIEIT).

Beesha caalamku waxay qoraalkaas si adag kaga dalbatay dhamaan dhinacyada ku lugta leh inay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu dhawrayo kalsoonida lagu qabo hanaanka doorashada ee waddanka, kaasoo ay tahay inuusan bixinin fursad ay kooxaha qas wadayaasha ah ku faragelin karaan ama ay ku carqaladayn karaan.

Waxay uga digeen maamul Goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka ee heer dawlad-goboleed in ay qaadayaan mas’uuliyadda, haddii odayaasha wax dooranaya ay guul darraystaan, waxayna intaa ku dareen in madaxweyneyaasha dawlad Goboleedyada ay gacan ka gaystaan xallinta khilaafaadka beelaha ee hor taagan dhamaystirka kuraasta loo qoondeeyey aqalka hoose iyo xulidda ergooyinka.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay