Waxaa kulan koodii caadiga ahaa isugu yimid Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya wadanka Sucuudiga faraca magaalada Riyaad, waxaana kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha ururka iyo taageerayaasha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO).

Kulankan waxaa lagu furay wacdi diini ah intaas waxaa kadib lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee Riyaad Halgame Mustafe Khaliif Muxumed, wuxuna gudoomiyuhu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanhaysa, wuxuuna xubnaha kala hadlay inay kor u qaadaan wax qabad kooda ku aadan dhinaca halganka, sidoo kale ay u diyaar garoobaan inay naf iyo maalba u huraan shacabka iyo dhulka ogadeniya ee gumaysigu haysto.

Waxaa kaloo shirka ka hadlay xubno dhawr ah oo kamid ahaa kasoo qayb galayaashii shirka waxayna dhamaan tood carabka ku dhufteen in loo baahan yahay dhalinyarada Soomaalida Ogadeniya inay kaga dhabeeyaan balantii ay shacabkooda u qaadeen taasoo ahayd in laga xoreeyo gumaysiga madaw ee xabashida dhulka Soomaalida Ogadeniya oo uu xooga ku haysto waxayna balan qaadeen inay naftooda iyo maalkooda u hurayaan shacabka Ogadebiya ee geesiga ah.

Guntii iyo gunaanadkii shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana hoosta laga xariiqay in lasii laban laabo dadaalka ay ku jiraan sidoo ay sii balaadhiyaan laamaha halganka Ogadeniya iyo faracyada ka hawl-gala dalka Sucuudiga

 

ONA/Riyaad

w1 w2 w3

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay