Wasiirka Arimaha Dibada ee Gumaysiga Itoobiya oo horaan ugu hongoobay damiciisii ahaa in uu hormuud unoqday Hay’ada caafimaadka aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa mar kale isku dayaya in uu fursad u helo hanashada xilkaas.

Sida aan xogta kuhelayno Wasiir kusheegay Arimaha Dibada ee wayaanaha Tedros Adhanom ayaa company laga leeyahay wadanka Maraykanka soo kiraystay si uu Kanbanigu ugu caawiyo hanashada xilkaas wayn iyagoo usamaynaya shahaadooyin sarsare iyo wali khibrad been abuur ah si uu Tedros ugu istaago xilkaas laga hor istaagay.

Tedros ayaa horaan lagu war galiyay in uusan uqalmin qabashada hogaanka Hay’ada Caafimaadka Aduunka waxaana lagu wargaliyay in uusan utartami karin sababtooah ayaa layidhi Tedros malaha aqoon iyo khibrad xilkaas uu kuqaadi karo.

Tedros Adhanom oo kamid ah shakhsiyaadka ugu awooda badan kooxda TPLF ayaa hada bilaabay in uu hantidii umada isticmaalo isagoo Kambaniyo iyo hay’ado badan siinaya malaayiin lacag ah si ay ugu sahlaan wadada uu umari karo qabashada hogaanka sare ee WHO.

Lacagta hantida qaranka ah ee ilaa hada uu isticmaalay ninkan u hanqal taagaya xilka Hay’ada Caafimaadka Aduunka ayaa lagu sheegaymalaayiin doolar taas oo si cad kooxda TPLF ay ugu fan garaysay shakhsigan kutaamaya in uu helo hogaanka WHO.

Sikastaba ha ahaatee xubnaha musharixiinta kala reebaya ayaa horaanba Tedros ugu wargaliyay in uusan isu sharixi karin xilka hay’ada maadaama oo uusan lahayn khibrad ku filan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay