Hay’ada xuquuqul insaanka udooda ee Human Rights Watch (HRW) ayaa xukuumada gumaysiga Itoobiya ku eedaysay in ay baalmartay sharciga caalamiga ah kadib markay xukuumada wayaanuhu soo rogtay xukunka dag daga ah ee lasheegay in uu socon doono mudada lixda bilood ah.

Hay’ada HRW ayaa sheegtay in ay xukuumada Gumaysiga Itoobiya si ula kac ah ugu tumanayso xuquuqda dadka shacabka ah ee ku hoos nool waxayna hay’adu sheegtay in ay xukuumadu dhagaha kafuraysatay soojeedinta talooyinka hay’adaha iyo waliba ururada bulshada.

Hay’ada Human Rights Watch ayaa sheegtay in uu xukunkii dag daga ahaa ee xukuumadu ay soorogtay uu burburiyay dhamaan noloshii dadka dhankastaba ha ahaatee waxayna hay’adu xustay in uusan munaasab ahayn xukunkan in uu siisocdo isagoo markii horaba si sharci daro ah kuyimid.

HRW ayaa sheegtay in 9 kii bisha October ay bilaabeen baadhitaanka ku aadan saamaynta xukunka dag daga ah waxayna hay’adu bayaan arintaas ku aadan soosaartay Isniintii shalay oo taariikhdu ay kubeegnayd 31/10/16 waxayna HRW xustay in uu xukunku yeeshay saamayntii ugu xumayd ee abid shacabka soomarta.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ay ku andacoonaya in ay xukunka soorogeen kadib markay dowladaha Masar iyo Eritrea kiciyeen shacabkooda waa sida ay wayaanuhu hadalka udhigeen e.

Dowlada masar ayaa iyadu sheegtay in ayna wax lug ah kulahayn kacdoonka kasocda gudaha Itoobiya waxayna dowladu sheegtay in uu been abuur yahay eedaynta Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay