Warar uu gumaysiga aad isugu dayay inuu qariyo ayuu goordhaweyd naga soo gaadhay wariyaha goobta u jooga wakaaladda. Gumaysiga Itobiya ayaa baryahan dambe aad u xakameeyay teleefoonadii ay dadka shacabka ah kuwada hadli jireen si jabka ciidamada gumaysiga ka soo gaadhaya goobaha dagaalka aanay isula socodsiinin.

Warkan ayaa naloogu sheegay in Dusmo oo ka tirsan degmada Awaare maalintii ay bishan ahayd 1da lagu qarxiyay gaadhi ay saarnaayeen saraakiil dhowr ah. Waxaa kaloo la sheegayaa inay ahaayeen ciidanka loogu talagay ilaalinta goobaha shidaal baadhidda oo socday inay soo mariyaan meela ka mid ah goobaha shidaal baadhidda lamana oga khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka ay dhexda u galeen. Jabhadda ayaa dhowr jeer oo hore uga digtay shirkadaha shidaalka inay yimaadaan Ogadenya oo ah goob dagaal.

Gaadhigaa oo CWXO ay la socdeen ahmiyadiisa ayaa si gooni ah loo bartimaansaday. Waxaana la xaqiijinayaa inaysan waxba ka bixin saraakiishii iyo dadkii kale lagu waday gaadhigaa.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo cusboonaada gadaal ayaan ka soo tabin doonaa.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay