Wararka naga soo gaadhaya magaalada  Dhagaxbuur xarunta Gobalka Jarar ayaa  lagu soo waramayaa in saaka  barqadii Maleeshiyaadka Dabaqoodhiga ku sugan tuulada Sandixiile oo hoos timaada  Dagmada Dhagaxbuur Xabad ku dhufteen muwaadin lagu magacaabi  Abdirahman Amiir Guhaad.

Muwaadinkan oo kamid ahaa  dadka  deegaanka  hayaa  haatan lagu dabiibayaa  Dhakhtarka magaalada  Dhagaxbuur kadib markay Caloosha  Xabad kaga dhufteen  Maleeshiyaad halkaasi ku sugnaa, muwaadin Qariyay magaciisa kuna  Sugan magaalada  ayaa  waxaa uu wakaalada wararka Ogadenia uga  Warmay xaalada Abdirahman ku sugan yahay “Abdirahman Amiir wuxuu yaalaa Dhakhtarka  Degmada Dhagaxbuur  waxay Xabadu kaga dhacday Xudunta  waxayna ka Baxday  Dhabarka, Abdirahman waa nin Geel Jira ah waxayna dadka Deegaan ku sheegeen inuu Geel kalumay raadinnayay  kadibna  Maleeshiyaadka Sandixiile Xabad Caloosha  kaga Dhufteen ilaahay Hacaafiyo aad buu u liitaa Abdirahman Amiir” Sidaas  waxaa yidhi mid kamid ah Shacabka magaalada Dhagaxbuur.

Toogashada  Abdirahman waxay  kamid  tahay Dhibaatada  Shacabka Ogadenia sida  joogtada ah uga  soo gaadha gumeysiga Ethiopia mana ah mid laga rajo qabo intay Ethiopia Gumeysato dhulka Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay