Wararka naga soo gaadhaya dalka Uganka ayaa sheegaya in Jaamacadda ugu weyn dalka Uganda ee lagu magacaabo Makerere faraca ay ku leedahay caasimadda Kampala ayaa ciidamo dheeraad ah la geeyay, kadib markii uu madaxweyne Museveni amray in albaabada la iskugu dhufto Jaamacada.

Warku wuxuu sheegayaa in go’aankan lagu xidhayo jamaacadda uu yimid markii ciidamada booliska ah iyo ardayda jaamacadda ay isku dhaceen.Ciidanka booliska ayaa u adeegsaday gaaska dadka ka ilmeysiiya ardayda, si ay u kala caydhiyaan xili ardayda ay ka cabanayeen macallimiintooda oo shaqada ka fariisteen.

Dhinaca kale Ardayda ayaa rabtay in macallimiintooda oo fasalada ka maqnaa muddo todobaad ah ay dib ugu soo laabtaan jaamacadda .

Waxay wararku intaas raacinayaan in maqnaanshaha macallimiinta ay ahayd mid ay uga cabanayeen mushaar la’aan, waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan shaqo joojinta ilaa ay lacagahooda ay ka helayaan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay