Ban Ki-moon Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa shaqada ka caydhiyay taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ee hawlgalka Qaramda Midoobey (QM) ee Koonfurta Sudan ee UNMISS.

Taliyahan ayaa lagu eedeeyay in ciidamada uu hoggaamiyo ay ku guul dareysteen in ay badbaadiyaan dad shacab ah oo lagu soo weeraray xero ay leedahay QM bishii 7aad ee sanadkan 2016.

Shacab badan oo ku sugnaa xeradaasi ayaa waxa ay ku eedeeyeen ciidamada QM in aysan ka difaacin ciidamada dowladda oo weerar ku soo qaaday xeradaasi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Ugu yaraan 73 qof ayaa ku dhimatay dagaallo muddo maalmo ah ka socday magaalada Juba ee caasimadda dalkaasi.

QM baadhitaan ay ku sameysay dhacdadaasi ayaa lagu ogaaday in dhibaatada ugu weyn ay ahayd hoggaan xumi haysatay ciidamadeeda nabad ilaalinta, arrintaa oo sababtay jahawareer iyo in la difaaci waayo dadka rayidka ah.

Dadka rayidka ah ee dalkaasi ayaa waxaa aad u saameeyay colaadda u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kooxaha fallaagada, waxaana dadka ay dhibaatada ka soo gaadhay kamid ah kuwo ka soo barakacay guryahooda oo soo magan galay xero ay leedahay QM.

Ciidamada nabad ilaalinta ayaa lagu eedeynayaa in ay gabeen waajibaadkooda oo ay ka bexeen xeryahooda isla markana ay ku guul dareysteen in ay ka hortagaan bililaqo loo gaystay xarun ay leedahay QM. Shaqaalaha gargaarka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaasi ay sidoo kale diideen in ay u soo birmadaan kaddib markii lagu soo weeraray xarunta ay ku sugnaayeen shaqaalaha caalamiga ee samafalka.

Warbixinta QM ayaa sheegaysa in ciidamadeeda ku sugan dalkaasi Suudaanta Koonfureed aysan la hayn hoggaan mideysan, arrintaa oo keentay jahawareerka. Ban Ki-Moon waxa uu sheegay in uu aad uga xumaaday waxyaabaha lagu ogaaday baaritaankaasi, waxa uuna isla markiiba dalbaday in la eryo madaxa ciidamadaasi.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay