Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Gojam ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu dagaal culus oo wayaanaha askar badan lagaga laayay kadhacay Gobolkaas waxaana lasheegayaa in uu khasaaraha gumaysiga soo gaadhay aad ubadan yahay.

Sida xogta aan kuhelay dadka beeralayda ah ee kudhaqan magaalada Tiss-Abay ayaa weerar kuqaaday ciidamada wayaanaha ee kusugan magaaladaas waxaana shacabkii usuura gashay in ay cagta mariyaan ciidamada niyad jabku ku habsaday ee wayaanaha.

Xubin uhadlay dadka beeralayda ah ee dagaalka ku guulaystay ayaa sheegay in ay ciidanka cadawga kaqabsadeen hub iyo isgaadhsiin badan oo kuwa uu ciidanku qaata ah, sidoo kale shacabka ayaa lawareegay raashin iyo hanti kale oo shacabka horaan looga dhacay.

Dhinaca kale waxaa lagu raad joogaa khasaaraha rasmiga ah ee kadhashay dagaalkaas iyo tirada dhimasho iyo dhaawaca ah ee ciidanka gumaysiga Itoobiya.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa isku dayaya in ay shacabka qab jabiyaan hubka dhigisna ay kusameeyaan si ay xal ugu helaan mowjadaha kacdoonada iyo dagaalada ah ee kasocda inta badan dhulka ay TPLF gumaysato.

Dhinaca kale kacdoon wadayaasha xabashida iyo Oromada ah ayaa sare uqaaday kacdoonka ay kaga soo horjeedaan xukunka ay kooxda tirada yar ee TPLF xooga kuhaysato.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay