Waxaa hada ka socda caasimada wadanka Denmark ee Copenhagan banaanbax weyn oo lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya laguna taageerayo kacdoonka shacbiga ah ee ay wadaan qowmiyadaha Oromada iyo Axmaarada.

Banaanbaxan oo in muddo ah laga soo shaqaynayay ayaa waxaa si wadajir ah uga qayb qaadan doona jaaliyadaha Ogadenya, Oromia, Ahmara iyo dhamaan shucuubta kasoo horjeeda Gumaysiga macangaga ah ee sida qasabka ah ku haysta umadaha xoriyad doonka ah.

Jaaliyada Denmark oo lagu yaqaano qabanqaabinta iyo hormuudnimada banaanbaxyada iyo yagleelida ha’yadaha urur ee JWXO ayaa banaanbaxan ka qaadatay doorka u weyn waxaana kala qayb galaya jaaliyadaha Soomaalida Ogadenya ee Sweden iyo Norway.

Mudaaharaadkan ayaa noqon doona kii ugu weynaa abid ee dibad ay ka dhigaan jaaliyadaha xoriyad iyo isbadal doonka ah ee gumaysiga Itoobiya diidan kana soo horjeeda siyaasadiisa guracan.

Kala soco Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA wixii faah faahin dheeraad ah oo kusaabsan banaanbaxan ka socda badhtamaha magaalada Copenhagen ee caasimada wadanka Denmark.

 

ONA/Denmark

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay