Warar ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in Maxkamad sare ee dalka Britain ay go’aan ku gaadhay in dowladda Britain ay hesho ogolaanshaha baarlamaan dalka UK, intaysan bilaabin siday britain uga bixi lahayd Midowga Yurub (EU).

Maxkamada ayaa taageertay dad aad u tiro badan oo u ololaynayay in Yurub laga sii mid ahaado oo ku doodaya in dowlada aysan isticmaali karin awooda boqortooyada, oo aysan ka qaadi karin xuquuqda dadka Britishka ah markii ay ku biireen EU.

Qareenada u doodaya mawqifkan dowladda ayaa loo ogolaaday inay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadda sare ay gaadhay. Wasiirka¬†ganacsiga caalamiga ee dalka Britain, Liam Fox, oo laf dhabar u ah istaraatijiyada Britain ay uga baxayso EU, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay inay xushmayso natiijada aftidii bishii June ee sanadkan 2016-ka shacabka laga qaaday oo taageertay in laga baxo EU.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay