Xalay oo ay taariikhdu ahayd 3/11/2016 waxaa  xafiiska Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Koonfur Africa (JOKA) Faraca magaalada PORT ELIZABETH lagu qabtay  shir si heer sare ah loo soo agaasimay.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Kaadirka Jaliyada, Aqoonyahano iyo Marti-Sharaf kale ayaa waxay la kulmeen waftigii uu hogaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Dr. Maxamad Ismaciil oo ku wahelinayay Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta (HWF) Mudane Hassan Macalin & Mudane Axbaab Cabdi oo ah Madaxa Warfaafinta ee Jaaliyada JOKA.

Waftigan oo baryahanba kawaday wadanka koonfur Africa hawlgalo kormeer iyo kulamo goos goos ah oo ay kula kulmayeen bulshada Soomaalida Ogadenya iyo dhamaan dadwaynaha Sooomaliyeed ee kunool dalkankan Konfur Africa.

Hadaba shirkan oo u dhexeeyay waftiga JWXO iyo kaadirka JOKA ayay masuuliyiintu si guud uga warbixiyeen isbadallada Geeska Africa iyo waliba taariikhda soo jireenka ah ee Soomaalida Ogadenya iyo halgamadii kala duwanaa ee soo maray iyo caqabadihii kahoryimid intii uu socday Halganka Soomaalida Ogadenya.

Waxaa intaa dheer oo Madaxdau kaga shanqadhiyeen saamayntii faragalineed ee ay soomali wayn ku yeelatay burburinta dhamaan ururadi gobanimadoon ka ahaa kuwaas oo dhamaantood kasoo wada dagaalamay dalka Ogadenya ee guumaysigu daashaday.

Hadaba shirkan ayaa la isla qaatay qodobo muhiim ah, waxana ka mid ahaa in lala yimaado adkaysi  samir  daacadnimo. Sikastaba ha ahaatee shirkan ayaa kusoo dhamaaday jawi isfahan iyo ururnimo ku qotoma.

dsc07049 dsc07050 dsc07051 dsc07052

 

dsc07055 dsc07060 dsc07062 dsc07064 dsc07065 dsc07068 dsc07070 dsc07071 dsc07072 dsc07073 dsc07074 dsc07075 dsc07077 dsc07078 dsc07079 dsc07081 dsc07082 dsc07084 dsc07085 dsc07087 dsc07089 dsc07090 dsc07091 dsc07092 dsc07098 dsc07099 dsc07100 dsc07101 dsc07102 dsc07103

 

ONA/ SOUTH AFRICA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay