Ururka culimada somalida Ogadenia (UCSO) laantiisa Ifo oo maanta kulmay quraan badana akhriyay.

waxaa maanta xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab kadhacay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha iyo maamulka ururka UCSO laantiisa kahawl gasha xeradasi Ifo kulanka oo ahaa midsiheer sare ah u abaabulan ayaa furmay abaare 9:30am wuxuuna kubilowday jawi aad uqurux badan.

muhiimada kulanka looqabtay ayaa ahayd inladardar galiyo shaqooyinka joogtada ah ee ururka iyo guud ahaan mida halganka barakaysan ee gobanimo doonka ah iyo sidoo kale inla akhriyo qur’aan aad utiro badan kaasoo loogutala galay in ilahay lagu baryo lana rajaynayo in uu noqdo midkii kala diri lahaa gumaysiga taagta daran ee dawga kalusha, shacabka xaqlaha ah ee xornimo doonka ahna gaadhsiinlahaa guusha ay mudada dheer baadi goobka ugujiraan bi.idmillahi kariim.

gabagabadii kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan waxaana lagudardaarmay inloo guntado goobitaanka gayiga dhacan ee Ogadenia niyadana la adkeeyo oo aan loodhaga nuglaan dhagarta cadawga wuxuuna kulanku soo xidhmay abaare 12:30 am.

Abdullahi yare
ONA/ IFO

img_3802img_3803 img_3805

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay